Ku Saabsan Suuqify
Waxaan u dhisnay Suuqify si aan u awood-siinno ganacsatada Soomaaliyeed ee wax ku iibiya baraha bulshada.
Qisada Suuqify
Boqolaal dhalinyaro Soomaali ah ayaa maalin kasta alaab ama adeeg ku soo bandhiga TikTok, Instagram, iyo Facebook. Laakiin habka ay wax u iibiyaan wuxuu ahaa mid dhib badan: macaamiisha oo DM-ka buuxiya, qiimaha oo mar kasta la isweydiiyo, iyo dalabyada oo luma.
Website-yada waaweyn sida Shopify aad bay ugu adkaayeen ganacsatada maxalliga ah sababo la xiriira qaab-dhismeedka lacag-bixinta caalamiga ah (Stripe / PayPal) oo aan Soomaaliya ka shaqayn.
Sidaas darteed waxaan dhisnay Suuqify: madal Link-in-Bio ah oo aad u fudud, ku shaqaynaysa lacagaha mobilada ee dalka (EVC Plus, Zaad, Sahal), dalabkuna uu toos WhatsApp ugu yimaado fariin diyaarsan oo kooban.
Hadafkeenna
In qof kasta oo ganacsade ah uu ku yeesho Ganacsi online casri ah 5 daqiiqo gudahood.
Fududeynta iibka
Meesha ka saarista nidaamyada lacag-bixineed ee adag iyadoo toos WhatsApp loo adeegsanayo.
Taageerada Maxalliga
Taageero toos ah oo ku hadasha luuqadda Soomaaliga lana socota baahida ganacsiga dalka.